Duqa Garoowe “Waxaan soo saaraynaa xeer ka dhan ah Ariga lagu soo daayay Caasimadda”

Duqa degmadda Garoowe ee Caasimadda Puntland Hon: Ahmed Said Muse ayaa sheegay in xeer ay kasoo saarayaan xoolaha faraha badan ee lagu soo dhex sii daayay Caasimadda Puntland, kaas oo la horgeynayo Golaha deegaanka Garoowe.

Guddoomiye Axmed Barre ayaa sheegay in 7 bishan uu ku ekaa amar Dowladda Hoose ee Caasimaddu kasoo saartay xoolaha dhex jooga magaaladda Garoowe, kaas oo aan weli dhaqangalin, maadama ay ka dhaga adeegeen Bulshada magaaladda.

Magaaladda Garoowe ayaa kamid ah magaalooyinka ugu Amniga iyo bilicda badan Soomaaliya, waxaana haatan ka socda mashaariic hormarineed oo isugu jira waddooyin cusub oo laami ah iyo dhireyn.

Idilnews