Sawirro: Ra’isul Wasaaraha Canada oo ka qeybgalay baroordiiqda qoyskii Muslimiinta ahaa

Ra’isul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa ka qeybgalay kulan baroordiiq ahaa oo loo sameeyay qoys Muslimiin ah oo asal ahaan kasoo jeeday dalka Pakistan oo Axaddii lagu dilay magaalada London ee gobolka Ontario.

Nin dhallinyaro ah ayaa si ula kac ah gaari u jiirsiiyay qoyskan xilli ay lugeynayeen, waxaana Ra’isul wasaaraha Canada uu falka ku tilmaamay mid argagixiso.

Muslimiin badan oo Soomaalidu ay qeyb ka yihiin oo qaarkood ka tagay magaalooyin kala duwan ayaa ka qeybgalay baroordiiqdan.

Duqa magaalada London ee gobolka Ontario Ed Holder ayaa sheegay in hoos loo dhigay calanka magaaladda, oo ay kunool yihiin 30,000 ilaa 40,000 oo muslimiin ah.

About the Author

Jibril Qoobey
(ISBITALKA )GMC- HOSPITAL DHAGACADE. Kabilowdey Qaliimo losamenayo Qaar Kamidah Ciidanka ku Xaraysan Xerada General Carays ee Deegaanka Godod. Qaliinada Losamenayo Ciidanka waxa iska Kashanaya Musharax Duqa Dagmada Galkacyo Cawil Cabdile iyo (ISBITALKA )GMC- HOSPITAL. DHAGACADE. Waxa Qaliinada Fulinaya .Dhaqatirta kala Ah. DR Maizid iyo DR Cabdale Horeeye. Qaliinadan manta kabilowdey Isbitalka GMC HOSPITAL DHAGACADE . Waxa Goobjoog ka ahaa musharax Duqa Dagmada gaalkacyo mudane Cawil Cabdile iyo sido kale Taliyaha Ciidanka Darawiishta gobolada mudug iyo Ceyn ee Puntland mudane Sharmake shiikh doon iyo . Agasimaha Isbitaalka GMC- mudane Maxamed Cabdirisaaq warsame iyo masuuliyen kale.