Shir looga hadlayo nidaamka dakhli aruurinta Puntland oo lagu qabtay Nairobi (Sawirro)

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa kaga qayb galay magaalada Nairobi ee dalka Kenya shir ku saabsan nidaamka dakhli uruurinta Puntland.

Waftiga Wasiir kuxigeenka waxa kamid ahaa Agaasime guud kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Abshir Maxamed Abshir.

Shirkan oo lasoo gabagabeeyay ayaa si guud looga hadlay qaabka casriyaynta nidaamka dakhli uruurinta ee Dowladda Puntland.

Sidoo kale shirka ayaa diirada lagu saaray marxaladda nidaamka dakhliga ee hadda uu marayo sidii loo si horumarin lahaa nidaamkaas.

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa muddooyinkii dambe waday hannaan lagu casriyaynayo habka dakhli uruurinta iyo kobcintiisa, iyadoona diirada la saarayo sidii loogu guuri lahaa hab casri ah oo keligii shaqeynaya.