Wasiir Dubbe “Ma jiro ciidan Soomaaliyeed oo Tigreey ka dagaalamay” (VIDEO)

Wasiirka Warfaafinta XFS Osman A Dubbe, oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho ayaa xaqiijiyay in dhalinyaro Soomaaliyeed tababar Ciidan loogu qaaday dalka Eritrea, waxaana uu beeniyay inay jiraan Ciidammo Soomaali ah oo ka dagaalamay Gobalka Tigreega ee dalka Itoobiya.

Wasiir Dubbe ayaa ku eedeeyay Mucaaradka inay siyaasadeeyeen arrimaha la xariira Ciidankan. Hadalka Dubbe ayaana imaanaya xilli Muqdisho uu maanta ka dhacay bannaanbax ay dhigeen Waalidiinta ilmahoodu ka maqan yihiin, kuwaas oo dalbanaya in carruurtooda meel loogu sheego.

Bilo ka hor ayay aheyd markii sidan oo kale shir jaraa’id uu qabtay Wasiirka kaga gaabsaday inuu carabaabo dalalka ay Ciidamada tababarka ugu maqan yihiin inay ka mid tahay Eritrea.