Wasiir kuxigeenka Waxbarashada Puntland oo ka dhagax dhigay Ceel-biyood deegaanka Dudun (Sawirro)

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland Bashir Jamac Maxamed, ayaa Deegaanka Dudun ee Degmada Bursaalax ka dhagax dhigay Ceel biyood laga qodayo Deegaankaasi.

Ceelkan oo uu sadaqaystay Ganacsade Cabdixamiid ismaaciil Wayrax oo kaa shanaya Badbaado Community ayaa loogu talagalay in ay ka faaiidaystaan Bulshada Deegaanka dudun ee Degmada Bursaalax.

Munaasabadda dhagax dhiga ayaa waxaa kan qeybgalay Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Gobolka Mudug, Isuduwaha Wakaalada Biyaha Gobolka Mudug iyo Gudoomiyaha Degmada Bursaalax, Ganacsato, iyo Qurba joog.

Jibril Qoobey