Itoobiya iyo Jabuuti oo gaaray Heshiis Ciidan (VIDEO)

Dalalka Itoobiya iyo Jabuuti ayaa heshiis ku gaaray xoojinta iskaashiga Ciidan iyo wadaagista xogaha amniga Labada dal, sida ay baahisay Wakaaladda wararka Xukuumadda Addis Ababa ee FANA.

Heshiiska ayaa yimid kaddib kulan dhexmaray Taliyayaasha Ciidanka Difaaca dalalka Itoobiya General Berhanu Jula iyo Jabuuti General Zekaria Sheikh.

Sidoo kale, Labada Genaraal ayaa ku baaqay in la abuuro farsamooyin wanaagsan oo lagu wadaago macluumaadka iyo khibradaha iyo in lagu sii wado tababar wadajir ah.