Madaxda Dalalka G7 oo ballanqaaday wax ka qabashada dhibaatooyinka COVID-19

Madaxda dalalka G7 oo Shir uga socdo dalka Ingariiska ayaa ballanqaaday inay si dhab ah wax uga qaban doonaan saameynta uu dunida ku yeeshay cudurka COVID-19.

Shirka Madaxda oo galay maalinkii labaad ayaa jimcihii diirada lagu saaray wax ka qabashada COVID-19, halka maanta looga hadli doono saameynta isbedelka cimilada dunida.

Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa sheegay inay muhiim tahay in si isku mid ah bulshada caalamku uga soo kabato saameynta iyo dhibaatooyinka uu dunida u geystay cudurka COVID-19.

Idilnews