Madaxweynaha Azerbaijan oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Azerbaijan HE Ilham Aliyev ayaa saaka warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay safiirka Soomaaliya ee dalalka Turkiga iyo Azerbaijan Ambassador Jaamac Caydiid.

“Azerbaijan waxaan ka ahaan doonaa safiir aan fadhiyin oo xaruntiisu tahay Ankara, Turkey” ayuu yiri Danjire Jaamac.

Somalia iyo Azerbaijan waxay lahaayeen xidhiidh walaaltinimo, waxayna ku wada jiraan Ururada caalamiga ah ee OIC iyo UN.