Wasiiro ka socda dalka Turkiga oo gaaray Dalka Libya

Wafdi ballaaran oo ka socda Dowladda Turkiga, ayaa Maanta oo Sabti ah gaaray Tripoli kuwaa oo kulamo la qaadan doona hogaamiyaasha Liibiya.

Wafdigan oo ay ka mid yihiin wasiirrada arrimaha dibadda, gaashaandhigga iyo Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga, ayaa wadahadallo kula yeelan doona magaalada caasimadda u ah  Liibiya ee Tripoli hoggaamiyeyaasha dalkaasi, kadib codsi ka yimid Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, taasoo qeyb ka ah xasilinta dalaka Liibiya.

Wasiirka gaashaandhigga Turkiga Khulusi Akaar,  oo hordhac u ahaa Wafdiga ayaa gaaray magaalada Tripoli jimcihii ka dib markii uu wadahadal kula qaatay jasiiradda Sicily ee dalka Talyaaniga qaar kamid ah Saraakiisha ka hawlgala Liibuya, iyadoo xubnaha kale ee ka socda Turkiga ay subaxnimadii hore Saakay gaareen Caasimada Liibiya.