Booliska Puntland oo khamri ku burburiyay magaaladda Boosaaso (VIDEO+Sawirro)

Ciidanka Booliska Puntland ayaa maanta ku burburiyay fagaare ku yaalla duleedka magaaladda Boosaaso dhalooyin badan oo khamri ah, kuwaas oo Ciidammadu horey ugu qabteen howlgallo ay ka sameeyeen gudaha Boosaaso iyo kantaroolada laga soo galo magaaladda.

Burburinta iyo gubitaanka khamriga ayaa yimid kaddib markii ay xukun ku riday Maxkamadda darajada kowaad ee Gobalka Bari. Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa ku bogaadiyay Ciidanka soo qabashada Khamridan, isagoona sheegay inay talaabo adag ka qaadi doonaan kooxaha ka ganacsada maandooriyaha khamrida iyo xashiiska.

Idilnews