Ciidanka XD iyo kuwa Jubbaland oo howlgallo ka sameeyay deegaano ku dhow Kismaayo (VIDEO+Sawirro)

Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab ka sameeyey deegaano dhowr ah oo dhaca galbeedka magaalada Kismaayo.

Deegaanada ay ciidamada howl galka ka fuliyeen waxaa ka mid ah Golashimbir, Beerxaani, Libo Kuus, Cabdi Dhoore iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose.

Ciidanka ayaa intii uu howlgalku socday waxay khasaaro xooggan u geysteen kooxda nabad diidka ah ee Al Shabaab.

Dhanka kale waxay ciidamadu mid mid u baareen goobihii nabad diidka ay ka firxadeen oo gabaadka u ahaa. PDhame Cabdi Cali Yuusuf oo ka mid ahaa saraakiishii howlgalka hogaaminaysay ayaa sheegay in howlgalka khasaare baaxad leh lagu gaarsiiyey nabad diidka.