Duulimaadyada diyaaradaha Muqdisho iyo Nairobi oo dib u bilowday

Duulimaadyada tooska ah ee magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi ayaa bilowday, kadib markii Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay heshiis ku gaareen in dib loo soo celiyo xiriirka labada wadan.

Illaa afar diyaaradood oo rakaab ah ayaa lagu wadaa in maanta ay ka baxdo magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya, kuwaas oo tagi doona magaaladda Nairobi. Shirkadaha diyaaradaha ayaana soo dhaweeyay in dib uu bilowdo duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya.

Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya ayaa shalay qoraal rasmi ah ka soo saartay dib u soo celinta xiriirka labada dal kadib markii ay dowlad Kenya hore ugu xirtey shuruud ah inay qoraalka soo saarto xiriirka labada dal.