Guddoomiye Abwaan “Fashilka doorashada Somaliland ee Sanaag iyo Haylaan, waa miradhalkii dadaalkeenii 2017” (VIDEO)

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Abdirashid Yusuf Jibril (Abwaan), oo sabtidii dib ugu soo laabtay magaaladda Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa ka hadlay fashilka doorashooyinkii Somaliland ee Gobalada Sanaag iyo Haylaan.

“Waxaan xasuustaa 2017-kii markii ay diiwaangalinta kaararka sameynayeen xilligaas oo si weyn Dowladda Puntland uga hortagtay, anniguna aan kamid ahaa saraakiishii hoggaaminaysa howlgalkaas looga hortagay, waxaa farxad weyn leh in maanta tii miradhalkeedii la arkay, oo Gobalada Sanaag iyo Haylaan Maamulkaas Xildhibaanadii ay sheegayeen aan cidna Gobaladaas ka codeyn, lagana soo dooran.”