Madaxweyne Guudlaawe oo xilkii ka qaaday Wasiir kuxigeenkii Amniga Hirshabeelle

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen, ayaa xilka qaadis ku sameeyay wasiir ku xigeenkii Amniga maamulka Hirshabeelle Xasan Maxamed Cilmi.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa xilkii looga qaaday wasiirku xigeenkii amniga iyadoo aanan lagu shaacin sababta ka dambeysa xilka qaadista, mana jirto cid kale oo loo magacaabay xilkaasi.

Xilka qaadista lagu sameeyay wasiir ku xigeenkii amniga Hirshabeelle ayaa ku soo beegmeysa xili shalay baraha bulshada ku xariirto lagu faafiyay qoraalka haweeney sheegtay in wasiir ku xigeenka amniga Hirshabeelle uu ka cunay lacag dhan $1,500 oo dollar oo aay sheegtay inuu Visa Turki ah ugu soo saarayo.