Maxkamadda Sare ee Ciidanka Puntland oo weli wada dhageysiga Kiiska xubno Al-Shabaab ah (VIDEO)

Maxkamadda Sare ee Ciidammada qalabka sida ee Dowladda Puntland ayaa u fariisatay dhageysiga kiiska xubno kamid ah Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, kuwaas oo qeyb ka ahaa dilalkii iyo Qaraxyadii lagu dilay Haldoorkii magaaladda Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Xubnaha ay Maxkamadda Sare ee Puntland u fariisatay dhageysiga kiiskooda ayaa ah Shabakad uu hoggaaminayay Horjooge dilaa Maxamed Cali Kalaay, kuwaas oo horey Maxkamadda darajada kowaad ee Ciidanka Puntland ugu soo riday xukun dil ah.