Rooble, QoorQoor iyo Guudlaawe oo kulan wadajir ah la qaatay Safiirka Mareykanka (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, oo ay wehliyeen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle ayaa maanta la kulmay Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto.

Labada dhinac ayaa ka wada arrimo kala duwan sida doorashooyinka heer federaal ee dhowaan la filayo inay dhacaan, la dagaalanka argagixisada iyo arrimaha bani’aadanimada.