Wararkii ugu dambeeyay een Isku-shaandheynta Golaha Wasiirada Puntland

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa lagu wadaa inuu ku dhawaaqo Isku-shaandeyn uu ku sameeyay Golaha Wasiirada Xukuumadda uu hoggaamiyo oo labo sanno iyo bar jirsatay, taas oo la diyaariyay horaantii bishan June.

Madaxweyne Deni oo doonayay inuu ku dhawaaqo Isku-shaandeynta Golaha Wasiirada 1 – 6 bishan ayaa dib u dhigay, kaddib markii ay buux dhaafiyeen Xafiiskiisa Xildhibaano iyo Waxgarad ka socda Beelaha ay matalaan Wasiiradu, kuwaas oo difaacayay xubno kamid ah Wasiirada la sheegay in xilka waayeen, halka kuwo kalana dalbanayeen in laga bedelo Wasiirka matala.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Idilnews u sheegay in Madaxweynuhu uu shaacin doono Isku-shaandeynta Golaha Wasiirada kahor furitaanka Kalfadhiga Golaha Wakiillada Puntland oo ku beegan 15 bishan June, sababo la xariira culeys siyaasadeed oo kaga soo wajahan Xildhibaanada Baarlamaanka.

Dadka Falanqeeya siyaasadda Puntland ayaa ku tilmaama Siciid Deni, Madaxweynihii ugu Xukuumadda liitay ee soo mara Puntland, Waxaana xubnaha Golaha Wasiirada uu hoggaamiyo ay ku fashilmeen shaqooyinkii Wasaaradahooda, qancin beelahooda iyo inay Siyaasadda Xukuumadda ka gadaan Shacabka Puntland.

Idilnews