Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo koox ka socota QM oo kalan yeeshay (Sawirro)

Kooxda Farsamada arrimaha doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble ayaa la kulmay kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan taageerada doorashooyinka Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay isu duwidda iyo mideynta howlaha lagu taageerayo dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee hirgelinta doorasho daahfuran oo xor iyo xalaal ah.