XOG: Beesha Caalamka oo shuruud ku xirtay dalab uu u gudbiyay Ra’iisul Wasaare Rooble

Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble ayaa waji gabax kala kulmay kulamadii ugu dambeeyay ee uu la yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka ee jooga Muqdisho, sida ay u xaqiijiyeen Idilnews ilo-dublamaasiyadeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay 48 saac ee ugu dambeeysay Safiirada QM iyo Mareykanka ayaa ka dalbaday in loo soo fasaxo qeyb kamid ah dhaqaalaha, balse Labada Safiir ayaa u sheegay Rooble in aysan u muuqan howl doorasho oo ay kusoo daayaan dhaqaale.

James Swan iyo Donald Yamamoto ayaa ka dalbaday Ra’iisul Wasaaraha inuu dadajiyo magacaabista xubnaha Guddiyada farsamada Doorashooyinka, lagana ilaaliyo dib u dhac Doorashada iyo heshiiskii 27-May lagu gaaray Muqdisho, maadama uusan jirin waqti kale oo la lumiyo.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xusay in xubnaha Guddiyada Doorashooyinka aysan ka xanibneyn xagiisa balse ay kasoo dhaqaaqi la’dahay Qaar kamid ah Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada, sida Madaxweynaha Galmudug Ahmed Abdi Kaarie oo ah Hoggaamiyaha kaliya ee aan ilaa hada soo gudbin xubnaha Guddiyada ee lagu celiyay.

Idilnews