Golaha Wada-tashiga Qaran ee Shir deg deg ah yeelanaya, Maxay ka wada-hadli doonaan ?

Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS ayaa dhowaan yeelan doona Shirkii labaad ee Golaha wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka.

Shirka oo loo ballansan yahay inuu dabayaaqada bishan June ka furmo magaaladda Kismaayo, ayaa looga hadli doonaa waxyaabaha ka fulay heshiis 27-May lagu gaaray Muqdisho iyo caqabadaha kasoo laabtay.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews, in kulanka looga doodi doono qodob cusub, kaas oo ah in doorashada lagu soo koobo hal deegaan Dowlad Gobaleed kasta, halka ay horey u ah Labo deegaan.

Heshiiskii doorashooyinka ee ay 27-May gaareen Madaxda Soomaalida ayaa dhigayay in 60 berri gudahood lagu qabto doorashada Dalka, Waxaana uu haatan u muuqata inuu dib-u-dhac weyn ku yimid howlihii lagu balamay in xilli hore la bilaabo, sida magacaabista wax ka bedelka Guddiyada farsamada doorashooyinka ee labada.

Idilnews