Intee le’eg yahay khasaaraha ka dhashay Dabkii ka kacay xalay Suuqa weyn ee Boosaaso ?

Dowladda Puntland ayaa ku guuleysatay in la damiyo Dab xooggan oo xalay ka kacay suuqa weyn ee magaaladda Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, kaas oo geystay khasaare hantiyeed.

Dabkan ayaa saameeyay 4 kamid ah guryaha waa weyn ee ganacsiga iyo 50 ilaa 60 kamid ah goobaha yar yar ganacsiga, sida uu laanta afka Soomaaliga ah ee BBC u sheegay Guddoomiyaha Gobalka Bari Cabdisamad Yuusuf Abwaan.

Guddoomiye Abwaan ayaa xusay in dabka oo ka dhashay koronto, lagu guuleystay in si deg deg ah loo damiyo.