Kalfadhigga 48-aad ee Baarlamaanka Puntland oo berri furmaya

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa furi doona berri oo talaado ah Kalfadhigga 48-aad ee Golaha Wakiillada Puntland, isagoona ka jeedin doona khudbad ku aadan marxalada Dalka, sida uu qabo Dastuurka Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa la filayaa inuu si gaar ah khudbadiisa diirada ugu saaro xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya, sida Arrimaha Doorashooyinka iyo waxyaabaha u qabsoomay Xukuumaddiisa.

Jibril Qoobey