Maxkamadda sare ee Ciidanka Puntland oo ku dhawaaqaysa xukunka 18 kamid ah Al-Shabaab

Maxkamadda Sare ee Ciidanka qalabka sida ee Puntland ayaa maanta ku dhawaaqaysa xukunka kama dambeysta ah ee 18 xubnood oo kamid ah Kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay horey xukun dil ah ugu riday Maxkamadda darajada kowaad.

Maxkamadda ayaa saddexdii asbuuc ee lasoo dhaafay waday dhageysiga Kiiska 18 xukumane, oo ay u doodayeen 7 Qareen oo qaarkood ka yimaadeen magaalada Muqdisho.

Ciidanka Amniga Puntland ayaa si weyn u adkeeyay Ammaanka magaalada Gaalkacyo.