Puntland oo xukun dil ah ku riday 17 xubnood oo kamid ah Al-Shabaab (VIDEO)

Maxkamadda sare ee ciidamada Puntland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku riday 17 xubnood oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo ka dambeeyay dilalkii iyo Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo 13 sanno ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale, Maxkamadda ayaa ku xukuntay Cabdirisaaq Axmed Buraale xabsi daa’im.

Raga toogaashada lagu xukumey ayaa 5 kamid ah ay yihiin Horjoogayaashi ugu sareeyey ee go’aamin jirey Dilalka iyo Qarxyada magaalada Galkacyo,12 kale ayaa ahaa kuwi dilalka fulin jirey.