Qoorqoor oo weli magacaabi la’ xubnaha Galmudug ee Guddiyada Doorashooyinka!

Qoor-qoor waxuu weli ku dhici la’a yahay soo gudbinta Gudigii Doorashada,waxaana culays weyn ka haystaa labada dhinac ee uu isku dayayo in uu isku wado.

Kooxda Farmaajo waxay rabaan in Gudiyada Galmudug ay iyagu soo magacawdaan,sida Hir-shabelle iyo Koonfur-galbeed ay inta badan saamayn ugu yeesheen.

Halka garabka kale ee iskugu jira Golaha Wasiirada Galmudug iyo Midowga Musharaxiinta ay si cad uga hor yimaadeen qorshaha Kooxda Farmaajo.

Warar,ayaa sheegaya in hadii Qoor-qoor ku dhiirado fulinta rabitaanka kooxda Fahad iyo Farmaajo uu miiska saaran yahay Mooshin xilka looga xayuubinayo oo uu horboodayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas.

Beesha caalamka dhankeeda waxay ku haysaa Qoor-qoor cadaadis ah in uu dadajiyo soo gudbinta Gudiga.

Qoor-qoor waxaa haysta caqabado waa weyn mana sii socon doonto sida la filayo Farasyada uu kala saaran yahay.

Jibril Qoobey