Sawirro: Aabaha Qoyskii ugu balaaran dunida oo geeryooday

Ziona Chana oo ahaa Ninka dhalay Qoyska ugu balaaran dunida ayaa geeryooday, kaddib muddo uu la xanuunsanayay xanuunada macaanka iyo dhiigkarka.

Chana oo dhintay isagoo 76 sanno jir ah, ayaa u dhashay Dalka Hindiya, waxaana uu dunida uga tagay 38 Xaas, 89 carruur ah oo uu dhalay iyo 36 carruur ah oo uu u yahay Awoowe.

Geerida Ninka oo ay si weyn u hadal heyso Saxaafadda Caalamka ayaa waxaa xaqiijiyay Guddoomiyaha gobolka Mizoram ee dalka Hindiya, oo ku noolaa.

Idilnews