DF Soomaaliya oo dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay Golaha Ammaanka QM

Dowlada Soomaaliya ayaa u gudbisay dacwad ka dhan ah dowlada Kenya Golaha Ammaanka taasoo la xiriirta duqeyn Ciidanka Kenya ka geysteen ee Gobolka Gedo.

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) ayaa u gudbiyay caddeymo muujinaya in Haween iyo carruur waxyeelo ku gaartay duqeynta diyaaradaha Kenya.

Abuukar Baalle Danjiraha Soomaaliye ee Qaramada Midoobay  ayaa Golaha Ammaanka ka hor akhriyay cadeymaha ay heyso dowladda Soomaaliya ee la xiriira waxyeellada Ciidamada Cirka Kenya ay ka geysteen Gobalka Gedo, taasoo dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ay ku jiraan carruur iyo haween.

Waxa uu danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay  sheegay in dadka waxyeeladu gaartay ay Dowladda Federaalka geysay magaalada Muqdisho si ay u helaan dawooyin iyo xuquuqda ay u baahan yihiin.

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa duqeyn ka geystay horaantii bishan deegaanka Ceel-cadde iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Gedo waxaana ku geeriyooday hooyo iyo canug ay dhashay, halka dad kalena oo u badan Carruur ay dhaawacyo soo gaareen.

Hase yeeshee ashtakadan ay gudbisay dowlada Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya oo muddo kala go’onaa uu soo hagaagayay.