Madaxweynaha Puntland oo furay Kalfadhigga 48-aad ee Golaha Wakiillada Puntland (VIDEO+Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si waafaqsan Dastuurka Dowladda Puntland qodobka 80-aad farqadiisa 12-aad, wuxuu maanta furay Kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland.

Hadaljeedintiisa Dastuuriga ah wuxuu Madaxweynuhu Baarlamaanka la wadaagay waxqabadka guuleystay ee laga sameeyay dhinacyada Amniga, Dimuqraadiyadda Puntland, arrimaha bulshada, Kaabayaasha shaqaalaha, horumarinta degmooyinka iyo Doorka Puntland ee Arrimaha Federaalka iyo Doorashada Soomaaliya.

https://fb.watch/68wfzyjvPl/

Munaasabadda waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoonka Baarlamaanka, Mudaneyaasha Baarlamaanka, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Saraakiil Madaxtooyo iyo Marti sharaf kale.