Muxuu Madaxweynaha Puntland ka yiri xaalada Dekedda Boosaaso iyo heshiiska P&O ? (VIDEO)

Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hadlay xaalada Dekedda Boosaaso iyo halka uu ka dambeeyay heshiis balaarin Dekedda ee ay Puntland la gashay Shirkadda P&O.

Madaxweyne Deni oo ka hadlay furitaanka Kalfadhigga 48-aad ee Golaha Wakiillada Puntland ayaa sheegay inuu joojiyay dhaqaale si gaar ah ugu dhici jiray Shirkadda P&O oo mataano la ah Shirkadda DP World, taas oo soo dadajisay in la furo wada hadal dib loogu eegayo heshiiskii shirkaddu kula wareegtay Dekedda ee dhacay 2017, kaas oo dhowaan soo dhamaaneysa.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in 20 – 22 bishan ay soo  gaarayaan Dekedda Boosaaso xafaarado lagu furayo marinada Gaadiidka soo galaya Dekedda oo Ciid fariisatay. Waxaana uu intaas ku daray inuu rajeynayo in labo bilood gudahood uu ku bilowdo mashruuca dayactirka iyo balaarinta Dekedda magaaladda Boosaaso.

“Waxaa 20 – 22 bishan soo gaaraya Dekedda Boosaaso xafaarado lagu furayo marinada Dekedda oo Ciid fariisatay, sidoo kale waxaan rajeynayaa in 2 bilood gudahood lagu bilaabo shaqooyinka kale dayactirka Dekedda Boosaaso.” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa sheegay in hadii uu bilowdo Mashruuca dib u dhiska Dekedda Boosaaso, ay xoog saarayaan Arrimaha waddooyinka si loo hormariyo kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Idilnews