Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Safiirka Qatar (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya Danjire Xasan Xamza.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, habsami u socodka mashaariicda horumarineed ee Qatar ka hirgelineyso Soomaaliya iyo Arrimaha doorashooyinka dalka.