Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Xero Ciidan oo ku taala Muqdisho

Qarax ismiidaamin ah oo aad u xooggan ayaa lala beegsaday koox dhalinyaro ah dooneysay inay ku biiraan Ciidanka Milateriga Soomaaliya.

Qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa uu isku dhex qarxiyay dhalinyaradan xilli ay safaf ugu jireen  in loo qoro ciidan, kuwaas oo joogay dibada xerada Gen Dhego badan oo ku taala degmada Wadajir.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in goobta laga qaaday in ka badan maydka 10 dhalinyaro ah iyo dhaawac intaas ka badan.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News