Akhriso: Waxyaabaha u qabsoomay Xukuumadda Puntland October, 2020 – May, 2021

Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo Talaadadii furay Kalfadhigga 48-aad ayaa soo bandhigay waxqabaadka Xukuumadda uu hoggaamiyo mudadii u dhexeysay Labada Kalfadhi ee 47-aad – 48-aad.

Amniga

Soo afjarida 2 Shabakadood oo kamid ah Kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo muddo ka badan 13 sanno dilal iyo Qaraxyo ka geysanayay magaaladda Gaalkacyo. Shabakadahan oo ka koobnaa 34 xubnood ayaa 18 kamid ah lasoo tagay Maxkamad, waxaana xukun dil ah lagu 17 kamid ah.

Waxaa Tababar loo soo xiray 7 dufcadood oo kamid ah Ciidanka Puntland, kuwaas oo kala ah 4 dufcadood oo Daraawiish ah, 3 dufcadood oo Boolis ah. Sidoo kale waxaa 32 Gaari iyo qalab isgaarsiin la siiyay Ciidanka Booliska Puntland.

Arrimaha Gudaha iyo Dilmuquraadiyeynta

Dhameystirka daraasad ku saabsan kala xadeynta Degmooyinka Puntland. Si gaar ah waxaa loo dhameystiray xadeynta soohdimaha degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, kuwaas oo dhowaan laga sameeyay diiwaangalinta codbixiyayaasha Doorashooyinka hordhaca ah ee Golayaasha Deegaanka.

Dhameystirka dhamaan Xeerarkii muhiimka u ahaa Hanaanka Xisbiyadda badan ee Puntland.

Hormarinta Dhaqaalaha iyo Kaabayaasha

Dib-u-eegista heshiiska Puntland iyo Shirkadda P&O ee maamusha Dekedda Boosaaso, kaas oo dhowaan lasoo bandhigay.

Dhameystirka daraasada qiimeynta iyo naqshadeynta Wadada Gaalkacyo – Garoowe, taas oo dhismaheedu dhowaan bilaabanayo.

Bilaabashada Mashruuca balaarin iyo casriyeynta Garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso

Kobcinta dakhliga iyo mideynta ilana dakhli aruurinta Dowladda Puntland.

Bixinta Adeega iyo Mushaaraadka Ciidanka iyo Shaqaalaha Puntland.

Dhameystirka habka casriga ah ee dabagalka iyo qiimeynta Mashaariicda Puntland.

Daaweynta iyo Tallaalka xoolo gaaraya 5 Milyan oo kamid ah xoolaha ku dhaqan deegaanada Puntland. Barnaamijkan ayaana waxaa ka faa’ideynteen qoysas gaaraya 29,917 qoys oo kamid ah xoolo dhaqatada Puntland.

6.4% waxaa koror ku yimid dhoofka xoolaha Puntland. Waxaa ka baxay Dekedda Boosaaso xoolo gaaray 1 Milyan oo neef, intii u dhexeysay October, 2020 – May,2021.

Arrimaha Bulshada

Dhismaha 2 dugsi Sare oo cusub, iyo balaarinta 8 dugsi hoose.

Siinta deeq Waxbarasho Arday gaaraysa 355 Arday, kuwaas oo 205 kamid ah ay heleen Dalka Dibediisa, halka 150 ay heleen dalka guduhiisa.

Qorida buugaag dhan 1 Milyan, kuwaas oo ah buugaagta waxbarashada dugsiyada hoose ee Puntland.

Hirgalinta goobo Caafimaad oo cusub, kuwaas oo gaaraya 13 goobood lagana hirgaliyay 9 Gobal ee Puntland.

Qodista 5 Ceel-biyood oo cusub, iyo dayactirka 68 Ceel-biyood.

Sahminta 20 Ceel-biyood oo cusub iyo 11 Biyo-xireen.

Idilnews