Ciidanka Puntland oo la wareegay saldhig ay laheyd Kooxda Al-Shabaab

War kasoo baxay Taliska Ciidamada PMPF ee Puntland, ayaa lagu sheegay in howlgal ay sameeyeen Ciidamada ay kula wareegeen Taliskii Ururka Al-Shabaab ay ku lahayd Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.

Ciidammada PMPF ayaa sidoo kale sheegay inay howlgalkooda ku qabteen Saanad hub ah, walxaha Qarxa, aaladaha lagu farsameeyo Qaraxyada iyo Tuutayaal kooxda Al-Shabaab ay u isticmaali jireen dhibaateynta shacabka Puntland.

“Saldhig Talis ah, Saanad Hub ah, Walxaha Qarxa, Aaladaha lagu farsameeyo Qaraxyada iyo Tuutayaal ayay ciidamada Puntland ee PMPF ka qabteen Al-Shabaab, hawlgal ay ka sameeyeen buuralayda Cal-miskaad ee gobolka Bari ayaa lagu yiri” Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidamada PMPF.

Taliska Ciidamada PMPF ma shaacin dagaal dhex-maray Ciidamada iyo Al-Shabaab, hayeeshee kaliya ay sheegeen inay saldhigaas kala wareegeen Ururka Al-Shabaab.