Deni oo daah-furay Buugta Waxbarasho ee Dugsiyada Hoose ee Puntland (VIDEO+Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta daah-furay Buugta Waxbarasho ee Dugsiyada Hoose ee Puntland oo ay diyaarisay isla markaana daabacday Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ee Puntland.

Buugta Waxbarasho oo ku qoran saddex luuqadood ( Soomaali, English iyo Carabi) ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay ee dalka laga hirgeliyo waxaana dhameystiran oo maanta la daahfuray Fasalka koowaad illaa Afraad, iyadoo hadana la bilaabay diyaarinta iyo daabacaada Dugsiga Dhexe.

https://fb.watch/69X3h5Yj-B/

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee la qabtay, isagoo muujiyay muhiimada ay leedahay in lagu guuleystay diyaarinta iyo daabacaada wejiga koowaad ee Buugta Waxbarasho, madaama dugsiga hoose yahay asaaska waxbarasho ee ardayga.

Dhammaadkii munaasabadda wuxuu Madaxweynuhu Abaalmarino guddoonsiiyay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada, Hay’addaha kala shaqeeyay, la teliyeyaasha ka talo bixiyey, xarumaha Cilmibaarista iyo Howl-wadeenada kale ee kala shaqeeyay Wasaaradda diyaarinta iyo daabacaada Buugta.