Deni oo xariga ka jaray dhisme cusub oo ay lee dahay W. Waxbarashada Puntland (VIDEO+Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xarigga ka jaray xarun cusub oo loo dhisay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare taasi oo loogu talagalay inay noqoto qeybta Imtixaanaadka ee Wasaaradda.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada, kadibna wuxuu kormeeray qeybaha uu ka koobanyahay dhammaadkii munaasabadda wuxuu Madaxweynuhu goobjoog ka noqday, la kala wareegista dhismaha oo ay kala saxiixdeen Wasaaradda iyo Hay’adda kala shaqeysay ee Save The Children, wuxuuna Madaxweynuhu abaalmarino guddoonsiiyay Masuuliyiintii iyo Howl-wadeenadii shaqada qabtay.

Idilnews