Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo ku kulmaya Dalka Turkiga.

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda u amba-baxo dalka Turkiga, gaar ahaan magaalada Antalya oo uu kaga qeyb galayo Madasha Diblomaasiyada Antalya.

Farmaajo ayaa magaalada Antalya kula kulmi doona Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta, sida ay Idilnews u sheegeen ilo-dublamaasiyadeed oo ku dhow safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Socdaalka Mohamed Abdullahi Farmaajo ee Dalka Turkiga ayaa waxaa dabada ka riixaysa Dowladda Qatar, taas oo dooneysa inay heshiis ku aadan arrimaha Badda lagu muransan yahay, dhex dhigto Farmaajo iyo Kenyatta.

Shirka uu Farmaajo uga qeybgalayo magaaladda Antalya ayaa ah mid heer Wasiir Arrimo dibadeed iyo Madax ka socota Ururo dowli ah iyo kuwa aan dowli aheyn, hadana Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mid ah martida ku casuuman shirkaas.