Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay Madaxda Hay’adda UNHCR (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta hab maqal iyo muuqaal ah kulan kula qaatay Agaasimaha Gobolka ee Bariga, iyo Geeska iyo Harooyinka Waaweyn ee Afrika, ahna Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay ee UNHCR Clementine Awu Nkweta Salami, iyo Ergayga Gaar ah ee Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay u qaabilsan Geeska Africa, Danjire, Maxamed Cabdi Affey iyo xubno kale.

waxaana kulanka lagaga hadlayay sidii loo dardar galin lahaa tageerada dadka qoxootiga ah ee sida iskood ah dalka ugu soo noqonaya iyo saamaynta go’aanka Dowlada Kenya ay ku xirayso xeryaha qoxootiga ay ku yeelan karto, waxaa kale oo kulanka lagu falanqeeyay wax ka qabashada baahiyaha ay qabaan dadka gudaha dalka ku barakacay.

Waxaa Madaxweynaha kulanka ku wehelinayay Gudoomiyaha gudiga qoxootiga iyo barakacayaasha Jubaland Eng Cabdi Xuseen Maxamed.