Ra’iisul Wasaare Rooble oo Isbitaalka ku booqday dhaawacyada Qaraxii Muqdisho (VIDEO+Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee  Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday dhaawacyada dadkii ku waxyeelloobay qaraxii qarax shalay lala begsaday Dhalnyaradii loo qrayay Ciidannimada ee ka dhacay Afaafafka hore ee Xerada Nacnaca.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u dul istaagay dhallinyaradan iyadoo ay uga warbixinayeen xaaladdooda dhakhaatiirta dabiibaysa, isagoo xaqiijiyey in dowladdu ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo ku weheliyey kormerkan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa tilmaamay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay dhaawacyadu soo gaareen ay u muujiyeen Ra’iisul Wasaaraha sida ay uga go’an tahay in ay dalkooda iyo dadkooda difaacaan, aysanna ka hor istaagi karin weerarada ay ku hayaan.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan cadawgaooda, maantana la joogo xilligii loo midoobi lahaa si looga sifeeyo guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii kudhintay  weerarka ka dhacay Afaaffka hore ee Xerada Janeraal Dhegabadan o ah Warshadii hore Nacanaca ee degmada Wadajir.