Tababarihii xulka kubadda cagta Soomaaliya oo shaqada laga Eryay

Tababaraha kubadda cagta ee Soomaliya Salif Abdulladiif oo dhawaan heshiis u saxiixay xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya si uu u leeliyo xulka qaranka Soomaaliya ayaa shaqadii laga eryay.

Lama oga sababta keentay in shaqada laga eryo Salif Abdulladiif oo u dhashay dalka Morocco, Wararka ayaana sheegaya in Tababaraha lagu eedeeyay Anshax xumo, waxaana maalmihii u dambeeyay wajahayay cadaadis uga imanayay maamulka xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya.

Xulka Soomaaliya oo haatan ku sugan dalka Djibouti ayaa u diyaar garoobaya tartanka FIFA Arab Cup ee lagu qaban doono dalka Qadar iyagoo 20-ka bishan June la cayaari doona dalka Cumaan, waxaana xulka Soomaaliya u safan doona cayaartooy u badan gurba-joog.