Wasiiro kamid ah XFS iyo Asad Diyaano oo Muqdisho ku yeeshay kulan ka dhan ah Puntland (Sawirro)

Kulan ka dhan ah Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne H.E Said Abdullahi Deni ayaa ka dhacay magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Kulanka oo u dhexeeyay Wasiiro kamid ah Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS iyo Asad Osman Abdulahi (Asad Diyaano), ayaa looga hadlay sidii khalkhal siyaasadeed looga abuuri lahaa deegaanada Puntland, si xubnaha ay fursad ugu helaan inay dib ugu soo laabtaan kuraas Xildhibaanada ee Beelahooda.

Idilnews ayaa heshay xog sheegeysa in kulanka oo ay dabada ka riixayeen Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin, lagu go’aamiyay in la iska horkeeno Xukuumadda Siciid Deni iyo Beelaha Puntland, si fursado siyaasadeed ay u helaan dhinacyada.

Idilnews