Golaha Wasiirada Puntland oo kulan ka yeeshay Arrimaha Amniga (VIDEO)

Garoowe : 17 June 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-Guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Dowladda Puntland.

Kulanka Golaha Wasiirada oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Waxbarashada, Kordhinta Mushaharaadka Shaqaalaha Dowladda iyo qodobo kale.