Puntland iyo Hay’adda FAO oo ka wada-hadlay Hormarinta wax soo saarka Beeraha Puntland (Sawirro)

Masuuliyiinta wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo isbedelka cimilada dawlada Puntland ayaa kulan la qaatay madax sare oo ka socotay hay’adda cunada iyo Beeraha Aduunka ee FAO.

Shirkan waxaa shirgudoominayey wasiir kuxigeenka wasaaradda Marwo. Seynab Ismaaciim Maxamed “Tiimbiye” waxaana ka qaybgalay agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Mudane, Cabdicasiis Nuur Cilmi “Koor”, agaasimaha waaxda badbaada Beeraha Cabdulqaadir Cali Samatar iyo agaasimaha waaxda maamulka Faarax Maxille, iyadoo dhanka FAO ay ka qaybgaleen shirka masuuliyiinta xafiiska Soomaaliya iyo kan Puntland ee hay’adda.

Waxaa kulanka looga hadlay wada shaqaynta Istaraatijiyadeed ee hay’adda iyo wasaaradda, hormarinta waxsoosaarka Beeraha ee Puntland, howlgalka la dagaalanka Ayaxa, dhamaystirka xarunta la dagaalanka Ayaxa Soomaaliya ee dhismaheedu ka socdo Magaalada Qardho iyo arimo kale oo muhiim ah.