Wasiirada Arrimaha Dibedda Somalia iyo Kenya oo wada-hadal yeeshay

Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud iyo Kenya Danjire Raychelle Omamo ayaa kawada hadlay dib usoo celinta xiriirka labada Dowladood iyo in dib loo furo safaaradaha Muqdisho iyo Nairobi.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradaha arrimaha dibadda labada Dowladood ayaa lagu faah-faahiyay diiradda la saaro arrimaha Amniga, Ganacsiga iyo xoojinta cilaaqaadka Soomaaliya iyo Kenya.

Labada wasiir ayaa muujiyay muhimada ay leedahay in dib loo furo safaaradaha labada dowladood ku wada leeyihiin magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.