XOG: Al-Shabaab oo u yeertay Ehelada Rag ay xukun dil ah ku riday Puntland

Kooxda Al-Shabaab ayaa u yeertay Ehelada Rag katirsan Al-Shabaab oo maalin kahor ay xukun dil ah ku riday Maxkamadda Sare ee Ciidammada qalabka sida ee Puntland.

Saraakiil kamid ah Sirdoonka Puntland ayaa u sheegay Idilnews in Kooxda Al-Shabaab ay ku wargeliyay Ehelada Ragan xukuman inay si deg deg ah u yimaadaan magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Lama oga ujeedada Al-Shabaab ugu yeertay Ragan oo lagu helay inay ka dambeeyeen falal isugu jira dilal iyo Qaraxyo ka dhacayay Magaalada Gaalkacyo muddo 13 sanno ah.

Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur-yare, ayaa dhowaan uga digay Beelaha Gobalka inay xiriir iyo heshiis la yeeshaan Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, waxaana uu sheegay in Beeshii lagu helo arrintaas ay u aqoonsan doonaan Argagixiso.

Idilnews