Akhriso: 2 qodob oo sababay in Farmaajo ka baaqdo safarkiisii Turkiga

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka baaqday shirka Antalya Diblomacy Forum oo maanta ka furmaya magaalada Antalya ee dalka Turkiga. Farmaajo oo lagu martiqaaday shirkaas ayaa la filayay inuu la kulmo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo isna shirka lagu martiqaaday.

Ka baaqashadiisa shirkaas ayaa sabab looga dhigay xaalada siyaasadeed ee dalka, arrimaha doorashooyinka iyo fadeexada ka taagan Ciidamada loo diray Eritrea oo waalidiintooda ay dalbanayaan in ilmahooda xaalada ay ku sugan loo sheego, maadaama war iyo wacaal laga heyn in muddo ah.

Dowladda Qatar iyo Turkey ayaa wadajir uga shaqeynayay in iyagoo ka faa’ideysanaya shirka Antalka in lagu wada kulansiiyo Farmaajo iyo Uhuru, waxaana horay u jiray qorshe ay wadeen Qadariyiinta oo ahaa in la isugu keeno Doxa.