DEG-DEG: Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhig Ciidan

Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ku bilowday Qaraxyo ku qaaday aroortii hore ee saaka Xero ay Ciidanka Xoogga Dalka ku lee yihiin deegaanka Biyo-cadde oo 45-KM dhanka Bari kaga beegan Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabelle.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu xigay dagaal toos ah oo dhexmaray Ciidanka Xoogga Dalka iyo Al-Shabaab, kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa intaas ku daraya in weerarkan uu ku dhaawacmay Col Saney Cabdulle oo ka mid ahaa saraakiisha hogaaminaysay ciidamadii ka soo horjeestey muddo kordhinta Baarlamaanka ay u sameeyeen Madaxweyne Farmaajo.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News

Idilnews