Deni iyo Axmed Karaash oo kulan wadajir ah la qaatay Ganacsatada Puntland (VIDEO+Sawirro)

Garoowe: 17 June 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Ganacsatada Puntland.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Saraakiil Madaxtooyo, ayaa daba socda Shirar Ganacsatada iyo Dowladda xalay iyo maanta uga socday Garoowe, waxaana uu ujeedkiisu yahay xoojinta wadashaqeynta Dowladda iyo Ganacsatada si wadajir looga shaqeeyo horumarka Puntland.