Madaxweynaha Puntland oo magacaabis sameeyay

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 17 ku magacaabay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Godobjiraan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Cabdisiciid Faarax Maxamed si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Godobjiraan.
  2. Waxaa Axmed Faarax Maxamed si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Godobjiraaan.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD