Turkiga oo dib u dhisaya Masjid Taariikhi ah oo ku burburay dagaalada Itoobiya

Dawladda Turkiga ayaa dib u dhisaysa masaajidka qaddiimiga ah ee Al-Nejashi oo ku yaala waqooyiga gobolka Tigray, kaasi oo burbur laxaad leh ay u gaysteen iska hor imaadkii dhex maray TPLF iyo xukuumadda Abiy.

Masaajidka Al-Nejashi waa kii ugu horreeyay ee laga dhisay Itoobiya qarnigii toddobaad, waxaana dhisay Saxaabadii Nebi Muxamed NNKHA ka dib markii ay ka soo haajireen magaalada barakaysan ee Makka, iyaga oo soo dhoweyn weyn ka heley boqorkii xukumayey xilligaasi Itoobiya Axmed Najashi oo loogu agac daray masaajidka.

Dhawr madfac oo ku dhacay masaajidka bishii November ayaa burbur weyn gaadhsiiyey.

Hay’adda gargaarka Turkiga ee TIKA ayaa Arbacadii ku dhawaaqday in ay dhisayso.