XOG: Af-hayeenka Al-Shabaab Cali Dheere oo laga helay cudurka Cencer-ka

Af-hayeenka kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inuu aad ula daala-dhacayo cudurka Cancer-ka oo haleelay, sida ay muujinayan xogo dhanka Sirdoonka ah oo ay heshay Idilnews.

Wararka ayaa sheegaya in Cali Dheere uu xanuunka ku dhacay dhowaan, waxaana todobaad kahor xaalad caafimaad loo geeyay mid kamid ah Isbitaalada Muqdisho.

Cali Dheere oo muddo dheer ahaa Af-hayeenka Al-Shabaab ayaa marar badan la sheegay inay geeryooday kaddib dagaalo dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab. Balse wuxuu dib uga soo muuqday Warbaahinta ku hadashay afka Kooxda.

Saraakiil kamid ah Sirdoonka Soomaalida ayaa sheegay inay heleen xogo lagu kalsoonaan karo oo tibaaxaya in Cali Dheere uu ku xanuunsanayo saldhig ay Al-Shabaab ku lee yihiin Gobalka Jubbada Dhexe, sidoo kalena muddo ilaa Labo jeer ah xaalad Caafimaad loo geeyay Muqdisho.

Idilnews